|
||
|
Warbixin ku sahabsan Hiiraan. Nolosha Nolosha gobolka Hiiraan waxeey inta badan isaga mid yihiin gobolada kale ee dalka waxaa laga dareemi karaa horumar aad baaxad u leh oo aan halkan lagu soo koobi karin, waxaa magaalooyinka waa weeyn ee gobolka camiray dadweyne aad u fara badan oo aad isleedahay war xageey waxaan oo dad ahi ka yimaadeen, inkastoo magaalada B/weyne ugu dad badan tahay, Dadka gobolku waxeey isugu jiraan dhowr qeybood, hadii aan ku biloowno dadka beeraha qota oo aad arkeeysid horumarka aay ku talaabsadeen iyagoo soo saara noocyo badan oo dalaga beeraha ah tusaale Mooska oo aan Hiiraan ka bixi jirin ayaa ka mid ah, waxaa ka mid ah oo kale Cambaha oo aad u waaweyn oo qurux badan, Basasha oo ah meesha ugu soo saar badan wadanka oo dhan, Qudaarta noocyadeeda kala duwan oo iyaduna aad u soo baxa, hadii aan ku sii daro Qaraha oo si baán isagana u soo baxa waxaasoo dhan oo dalag ah waxaa loo dhoofiyaa gobolada dalka gaar ahaan kuwa waqooyiga, Halkaasoo aay qutulyoonkooda ka helaan dadka beeraleeyda ah. Qeybta labaad oo ah dadka dibada laga biilo oo aan tiro yareeeyn waana dadka ugu wax tarka xun, saa waa gacan baratay in aay tuugsatee, wax aay gobolka ku kordhiyaan oo aan ahayn in aay wax cunaan na seexdaan malaha. Qeybta ku xigta oo ah ganacsatada, iyagu wax sidaa u buuran mahaayaan qaarkood Ganacsato dadyow kale ah ayeey lacagta u cadeeyaan, qaarna waa jeeblayaal, inkastoo aay jiraan kuwa iska roon oo xoogaa baqaaro ama ganacsiyo yar yar leh, laakiin aad ayey u yar yihiin, Qeybta ugu dambeeysa oo ah dadka aan waxba haaysan ee masaakiinta ah, aadna u liita oo maalina qada maalina quuta, runtiina rafaad badani ka muuqdo cid wax u soo dirtaana aay jirin beer ama ganacsi aay haaystaana lahayn ayaa ah kuwa ugu liita gobolka ahana numberka ugu tirada badan. Dadka inta badan wajiyadooda lagama naxaayo oo weey quruxsoon yihiin, qaarkood dadka soomaalidaa ee europe ku nool ayeeyba ka qurxoon yihiin dadku weey is gar gaaraan oo qofkii liita qaraabada markaa nolosha haaysata ayaa caawiya, hadii aay noqon lahayd in markaas dadka qaraabadiisa ah lacag looga aruuriyo, iyo hadii aay noqon lahayd in qaraabada dibada ku nool loogu soo qeyliyo. taasi ayaa keentay in aan qof gobolka baahi u dhinta oo naftu deeyso lagu arkin, taasina inta badan waa dhaqanka soomaalida waa mida kaliya ee dagaalada sokeeye looga badbaaday. Nabadgelyada Nabadgelada hiiraan runtii wax lagu sheego lama aqaan nabadi waa jirtaa oo meeshaad rabto ayaad tagaysaa oo cid kula hadleeysa ma laha hadii aadan markaa la kulmin tuugo, ma jirto guroobo ama qabiilo hub isla hor fadhiya oo laga baqaayo in aay isku dhacaan, dhanka kale nabadi ma jirto maxaa yeelay nabad waxaa la yiraa markii nabada cid ilaalisaa aay jirto sida sharci, polis iyo maamul intaasina kama jiraan gobolka iyo iyadoo dadku hubeeysan yihiin. marka aqristoow bal adigu sheeg ma nabad baa halkaa ka jirta mise nabad gelyo xumo, Dadka reer hiiraan weey ku adag tahay inteey isku yimaadaan inaay ku heshiiyaan maamul, hadii aay taasi suurto gasho waxaa caado u ah in waxa dhan lagu soo koobo shaqsiga markaa madaxda ka ah oo laga dhigo in uu isagu gobolka leeyahay. hadii aan la helin baarlamaan la xisaabtama maamulka, polis ka madax banaan, maxkamad sidoo kale madax banaan iyo warbaahin madaxbanaan, odey reer B/barde ah ayaa hada ko hor ka war bixiyey sababta Hiiraan maamul u sameeysan la´dahay ayuu yiri waxaa dadkan haaya cudur la yiraa, II TALIN MEEYSID, KUU TALIN MAAYO, WADANA TASHAN MEEYNO, IGA TAGI MEEYSID, KAANA TAGI MAAYO, KALANA TAGI MEEYNO sidaad ayaan u wada caraafnaaneeynaa. Halkudhiga odaygaas ayaa soomaalida guud ahaan gaar ahaan hiiraan haaysta. Waxbarashada Waxbarashada Gobolka aad ayeey u liidataa xitaa waxeey aad uga dambeeysaa gobolo badan oo dalkaa, gobolka waxaa ka jira manhajyo kala gedisan, magaalo kastaa iyadaa iskooladeeda masúul ka ah, in kastoo caruurta intooda badan aanay haaysan aas aaska nolosha taasoo aay ugu horeeyso waxbarshada, ma jiro xiriir ama wadashaqayn muuqata oo ka dhexeeysa waxbarashada degmooyinka/magoolooyinka gobolka, aad ayaa loogu baahan yahay in waxbarashada gobolka xoog la saaro, gaar ahaan dadka reer hiiraan ee dibadaha ku nool ayaa aad uga seexday sidii aay gobolka wax uga qaban lahaayeen, waxaa jira iskoolo carabi ah sida MUJAMAC IYO SH. MAXAMED MACALIN arday fara badan ayaana dhigata sidoo kale Ururka HIRDO wuxuu ka hirgeliyey dhowr iskool oo ku kala yaala magaalooyin kala gedisan hadana ma aha mid baahida dabooli karta, ama soo dhaweeyn kartaba, waana far keliya fool ma dhaqdo, hadii bulsho weeynta reer hiiraan aanay u wada guntan waxqabadka gobolka, waxaa kaloo jiro in muwaadiniin kale oo reer hiiraan ah oo dibada ku nool aay qaban qaabinayaan sidii loo dhisi lahaa Jaamacad taasoo hadii aay hir gasho ah horumar aad u weyn. Caafimaadka Caafimaadka waa sheey ka mid ah nololmaalmeedka bulshada, kaasina waa midka ugu liita gobolka isagoo cusbitaalkii weeynaa uu xiran yahay, oo wax shaqo ah aanay ka socon, waxaa jira xarumo caafimaad oo si gooni ah loo leeyahay taasoo dadka tabarta yar qaali ku ah, qalabka caafimaadka lagama helo gobolka, sida raajada, sheeybaarka iwm, oo hadii qofku raajo u baahdo wuxuu u socdaalaa gobolo kale oo dhaqaale iyo dadba hiiraan aad uga hooseeya, waxaana u sahlay bulshadooda dibada ku nool, waxaa jira in Ururka HIRDO uu xarun caafimaad ka furay B/barde, lana rajeeynayo in kuwa kalana laga furo meelo kale oo gobolka ah waxaana kala shaqeeynaa dr.Xalane Dhismaha Dhismaha gobolka runtii wax weeyn ayaa iska bedelay xiligii dowladu jirtay kadib, dhismayaal farabadan oo shaqsiyaad inta badan dibada jooga aay leeyihiin ayaa laga dhisay, magaalo kastana waad ka dareemeeysaa haba ugu badnaato magaalada B/weyne, tan laakiin magaalada aad u foolxumeeyneeysa oo qarineeysa bilicdii magaalada ayaa waxeey tahay, kow wadooyinkii oo baa´baáy, mida labaad guryaha wadada saaran oo hortooda balan balo laga dhistay iyo tan sadaxaad oo ah in aay magaaladu aad u wasaqeeysan tahay oo cid waliba qashinka banaanka isaga xoorto arinkaasna maamul laáan wax lagama qaban karo. Siyaasada Siyaasada hiiraan waa mid lala yaaban yahay, waxaad moodaa in dadyoowga kale aan aad uga dambeeyno, ninkasta oo siyaasi isku sheegaa wuxuu u shaqeeyaa sidii nin saagiisaa oo gobolo kale ka yimid uu u taageeri lahaa. waxaa luntay kalsonidii aay reer hiiraan lahaan jireen, ee ahayd in iyagu ahaayeen dadkii somaliya bad baadiyey xiligii gumeeysiga dowladnimadana soo gaarsiiyey, sida Adan Cadde, C/lahi Ciise, Sh. Cali Jimcaale & Axmed Geele, soomaaliya degenaasheheeduna wuxuu ku xiran yahay hiiraan oo qaadata kaalinteedii hogaanka dalka, tan kale qofku markii uu dadkiisa kalsooni ka haayso wuu ku dhiiran yahay in uu meel maro laakiin intaad sugeeysid in lagu magacaabo, ogow in xiligii la rabana lagaa qaadi karo, saa waa xoolo laguu dhiibtee, noqo midka wax magacaaba, ma jecli siyaasiyiinta reer hiiraan in aan mid mid u galo ama aan magacooda sheego laakiin waxeey isaga mid yihiin shisheeye kal kaalid, iyo walaal iska fogeeyn inta aay taasi jirtan shaqsigu meel ma gaaro dadka uu matalana kaba daran. Odoyaasha iyaguna dab yar ma shidaan waxaa soo baxay odayaal fara badan oo mid waliba u fadhiyo in lacag laa luush ah la bixiyo sidii, hadii dhagax meel laga qaadayo tusaale ahaan, hadii kale gaw iyo gash malaha oo wiilal baa la soo dirayaa si aay isku hortaagaan xitaa hadii aay umada dani ugu jirto, waxa kaliya ee socanaa waa in isagu helaa nolol maal meedkiisa. Waxaa loo baahan yahay dadka reer hiiraan ee dibadah ku nool in aay bilaabaan/kordhiyaan booqashada dhulkooda, wax badan ayeey ka badaleeysaa isagoo isticmalaya waayo aragnimada uu ka helay wadamada horumaray ee aay ku nool yihiin, laakiin ha noqon mid dadka xaga joogaa aay bedelaan, ee noqo mid isagu dadka bedela waxa fiicana u sheega.
|
||