Aabaha mid ka mid ah ragga lagu tuhusan yahay weerarkii Paris oo la xiray

by admin | Sunday, Nov 15, 2015

Paris : HN :–Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in dad badan loo xiray weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Paris, kuwaasoo ay ku jiraan Aabbaha ninka la sheegay in uu ka mid ahaa raggii fuliyay weeraradda Paris, wiil ay walaalo yihiin iyo dumaashidiis.

Booliiska dalka Faransiiska ayaa shaaciyay in Cumar Ismaaciil Mustafa uu ka mid ahaa 7-ruux oo fuliyay weerarradii magaalada Paris ka dhacay, kaasoo dhintay intii ay socdeen weerarrada.

Weeraradii_Faransiiska_Paris (1)Xeer-ilaaliye Faransiis ah ayaa isaguna wuxuu sheegay in Cumar uu horay diiwaanka ugu jireen dambiyo uu galay, laakiinse dambiyadaas aysan ahayn kuwo xiriir la leh falal arga-gixisenimo.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in mayka mid ka mid ah Raggii weerarradii Paris fuliyay laga helay baasaboor Siiriyaan ah, taasoo kordhisay walaaca ah in ninkaan uu kusoo dhex-dhuuntay qoxootiga tirada badan ee ku qulqulaya Qaaradda Yurub.

Waxaa kaloo la sheegay in maanta la helay gaari ay wateen raggii weerarradii lagu qaaday Paris fuliyay, gaar ahaa kuwii weeraray maqaayada ku taalla magaalada Paris oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad badan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!