Aabe iyo wiil uu dhalay oo xalay lagu dillay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Baydhabo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay lagu dillay Aabe iyo wiil uu dhallay.

Aabbaha la dilay ayaa lagu magacaabaa, Xasan Dhimbil iyadoo lala dilay wiil uu dhalay, iyadoo dilkan ayaa noqonaya kii seddaxaad oo Baydhabo laga geysto muddo dhowr toddobaad gudahood ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Baydhabo lagu dilay labadii ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaanno degmadaas, kuwaasoo lagu dilayMagaalada_Baydhabo_ee_Xarunta_Gobolka_Bay masaajidyo ay ku tukanayeen salaad.

Marxuunka xalay la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa waxgaradka Baydhabo ee sida aadka ah looga tixgeliyo gudaha magaladaas, kana qaybqaatay shirar nabadeyn ah oo degmadaas ka dhacay.

Xasn Dhimbil iyo wiilkiisa ayaana la ogeyn illaa hadda cida dishay, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaanno ku hayaan ciddii dishay Xasan iyo wiilkiisa oo ka baxsaday goobta ay dilka ku geysteen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!