Aadan Madoobe oo ku guuleystay xubinimada aqalka hoose

by wadani | Sunday, Nov 27, 2016

Baydhabo : HN :-Guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG  Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 49 cod oo gacan taag ah kadib markii musharixii la tartamayay  Faadumo Maxamed Axmed ay tanaasushay.

Kursiga uu ku guuleystey xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe ayaa ah kursiga beesha Hadamo/ Shirmooge.

Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose iyadoo kuraasta ugu badan ee Aqalka Hoose lagu soo dooranayo magaalada Baydhbo.

02-29

 

03-26 shiih-aadan

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!