Aas aaskii ciidammada booliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho looga dabaal-dagayo

by admin | Saturday, Dec 20, 2014

 Muqdisho : HN :–Munaasabaad baallaaran oo loogu dabaal-dagayo  ama lagu weyneynayo 71-sano guuraadii ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada booliiska Soomaaliyeed ayaa waqtigan ka soconeysa magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo ah mid siweyn loo soo aagsimay waxaa ka qeyb-gallaya mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda oo uu horkacayoXuska_Booliska1 madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo saraakiisha ciidammada.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Khaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidamada booliska ay u diyaar garoobeen Xuska maanta oo kale oo ah 20 December, waxaana ciidamada booliska ay soo bandhigeen dhoolatusyo.

Munaasabadan ayaa waxay ka mid tahay munaasabadaha maalmaha ciidanka Soomaaliyeed, iyadoo ciidanka Booliska uu yahay ciidankii u horeeyay ee la aas aaso, isla markaana hooyo u ah ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!