Abuu Cabdalla” ma aqbaleyno in la qal qal-galiyo midnimada xarrakada

by admin | Tuesday, Nov 24, 2015

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha xarrakada Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha hoose Max’ed Abuu Cabdalla oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin la qal qal-galiyo sidda uu hadalka u dhigay midnimada xarrakada.

Abuu Cabdallah ayaa ugu ugu baaqay Dagaalyahanada Al-Shabaab in ay ilaaliyaan midnimada safkooda , Isagoona sheegay in la iska qaban doono cid waliba oo dooneysa in ay kala qeybiso safka Mujaahidiinta Soomaaliya sida uu hadalka u dhiay.

“Cid waliba iyo cidii ku xadgudubta midnimadeena ama dooneysa in safkeena uu inshiqaaq ku dhex sameyso, Wallaahi halfar baan kaAbuu-Cabdala nahay, waana iska celineynaa Insha Allaahu Tacaalaa, Arintaasna waa go’aan cad oo Mujaahidiintu ay gaareen, Midnimada iyo Raayada Mujaahidiintu maanta waa hal, Hal Amiir ayeyna leeyihiin, Qof waliba oo doonaya in uu kala jabiyana wallaahi ka yeeli meyno” Ayuu yiri Abuu Cabdallah.

Waxaa uu sheegay Abuu-Cadalla in dagaalyahannada Al-shabaab yihiin kuwa isku duuban oon marnaba aan ogolaan karin in lakala qeybiyo safkooda , waxa uuna afka ku adkeeyay in Raayaad kala duwan ka shaqeyn doonin Soomaaliya.

“Maanta cid Alle iyo ciddii la soo istaagto, Anigu meel kalaan ka tirsanahay, -Aad Meeshaad ka tirsan tahay- Anigu Raaya kalaan wataa, iyo waxyaabo la mid ah ma aqbali doono, Anaga go’aankeena waa mid, meesha aan u socono iyo hadafka aan leenahay waa noo cadahay,Khilaafo Islaamiyah ayaan u soconaa, Insha’Allaah xilligeeda iyo waqtigeeda ayaan ku gaari doonaa marka ninkii yiraahdo Aniga Raayo kale ayaan wataa, ama Jabhad kale ayaan ka tirsanahay, Afaarahaas halkaan kama shaqeynayo” Ayuu Yiri Abuu Cabdallah.

Hadalka Sargaalkan katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa imaanaya xli dhawaan dagaalyahano tiro yar oo katirsan Al-Shabaab ay shacaiyeen in ay ku biireen Kooxda Daacish, waxaana arintaasi dhalisay dagaal ka dhac dhaca Al-Shabaab iyo kooxda goosatay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!