Abwaan Hadraawi oo maanta laga badbaadiyay doox u dhaxeeya Hargeysa iyo Burco

by admin | Monday, Mar 23, 2015

Hargeysa : HN :–Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo saddex qof oo la socday, ayaa dirqi lagaga badbaadiyey dooxa Dacar-budhuq ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Abwaanka iyokale oo la socday ayaa waxaa badbaadiyey shacabka deegaankaas ku nool, waxaanu Abwaanku u mahadnaqay daadweynihii badbaadiyey ee ka soo dhex saaray daadka qaadanayey.

“Waxaan moodaynay in biyaha socda yar yihiin, sidaas baanu is nidhi waad dhaafi kartaan, haseyeeshee biyaha marayay oo xoogAbwaan_Hadraawi_Somaliland badnaa ayaa nala tagay.. balanka ilaahay hada xabaal baanu ku jiri lahayn hadii aanu ilaahay noo soo diri lahayn dadkii na badbaadiyay baan ugu mahad celinayaa.”ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Abwaanku waxa uu sheegay in gaadhigii ay la socdeen daadku la tagay, balse iyaga ALLE ayaa ka badbaadiyay, isla markaana dirqi kaga baxeen dooxaas kaddib markii gurmad ay ka heleen dadweynaha deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, dooxan Dacar Budhuq ayaa gwakhtiyadda roobku Da’ayaan galaafta dad iyo duunyo badan, waxaanu inta badan halis galiyaan mararka qaarkood u geeriyoodda dad safar ku jira oo u kala socda Hargeysa iyo Berbera, haseyeeshee inta badan waxa dadkaasi badbaadiya dadweynaha deegaanka oo aqoon u leh dooxa iyo wakhtiyadda uu gaadiidka qaadan karo, balse gaadiidleyda ayaan inta badan dhagaysan talooyinka la siiyo.

Guud ahaaan Somaliland waxa si rasmiya uga bilaabmay Gu’ga, iyadoo roobabku aad u da’ayaan, isla markaana ay Dooxyadda soo rogamayaan, taasoo inta badan khatar galiya dadweynaha dooxyadaasi u dhow.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!