Abwaaniin nasiib darro ku tilmaamay in heesta calanka loo adeegsado fowdo

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib markii qalalaasihii maalintii shalay ka dhacay fadhiga baarlamanaka Soomaaliya loo adeegsaday heesta calanka ee ”Soomaaliyeey Toostooy” ayaa waxaa arrintaa nasiib darro ku tilmaamay labada abwaan ee Soomaaliyeed Mustafe Sheekh Cilmi iyo Max’uud C/llaahi Ciise Sangub.

Labada abwaan ayaa ku tilmaamay nasiib darro weyn in xildhibaannadii baarlamaanka Somalia ay fowdo u is-ticmaalaan heestii astaanta Qaranka, kaddib markii xubno ka tirsan baarlamaanka ay ay heestan u adeegsadeen inay ku carqaladeeyaan kulankii baarlamaanku yeelan lahaa.

Abwaan Sangub ayaa sheegay in xildhibaannadii qaaday heestaas ay fowdo uun ka ahayd, isla markaana aanay garaneyn macno ahaan heestaas waxay ugu fadhido Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waa xad-gudub iyo arrin laga xumaado in xildhibaannadii Soomaaliyeed ay fowdo ahaan u qaadan heesta astaanta Qaranka,Abwaan_Sangub_Mustafa_Somalia xildhibaannada iyagaa laga rabaa inay bulshada hagaan, ma ahayn inay fowdo sameeyaan, tanina waxay ii muujinaysaa in macno ahaan aanay xildhibaannadu garanayn heesta ay fowdada ku sameeyeen,” ayuu Abwaan Sangub ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta Muqdisho.

Sidoo kale, abwaan Sangub ayaa xusay in heesta Soomaaliyeey Toosoo aan loo isticmaalin dagaal iyo fowdo, balse ay tahay mid ka turjumeyso nabadda iyo midnimada Soomaaliya, balse ay tahay markii ugu horreysya oo ay maqlaan in heestaas fowdo loo adeegsado.

Dhinaca kale Abwaan Mustafa Sh. Cilmi ayaa isna sheegay in xildhibaannada Somalia ay meel uga dhaceen Qaranka Soomaaliya iyo jiritaanka ummadda, isagoo cadeeyay inay qalad ahayd inay dhageysan waayeen guddoomiyaha baarlamaanka, taasoo uu ku tilmaamay arrin dowladnimo xumo ah.

“Adeer heestan waxay ahayd mid astaan u ah Qaranka Soomaaliyeed oo lagu garto, balse xildhibaannada qaaday waxay u eg-tahay inay macnaheedii gadiyeen oo ay ka dhigeen in Soomaali ay qaloocatay oo ay toosi wayday, waxaana wax laga xumaado ah in la dhageysn waayo guddoomiyihii baarlmaanka, waana dowladnimo xumo,” ayuu yiri Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi.

Hadallada Abwaannada Soomaaliyeed ayaa imaanaya iyadoo kulankii uu ku yeelan lahaa shalay baarlamaanka Soomaaliya uu u qabsoomi waayay fowdo iyo buuq ay sameeyeen xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka dhanka ka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee baarlamaanka la horkeenay.

Illaa hadda ma jirto wax taallaabo ah oo uu guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ka qaaday xildhibaannadii fowdada ku sameeyay labada maalmood kulammadii baarlamaanku yeelan lahaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!