Adigii Fiber Optic Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo dib u soo laabtay

by wadani | Monday, Jul 17, 2017

Muqdisho : HN :-26,kii bisha Jun xili habeen ah lana sugayo Maalinta Koowaad ee Ciidul fidriga ayaa Guud ahaan koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa laga waayay Qadkii Internet-ka oo ay siweyn u isticmaali jireen qeybaha kala duwan e Bulshada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigaas Shaacisay in qadka Internet-ka uu u maqan yahay ay tahay in Cable,kii soo marayay Badda dhexdeeda uu jaray Markab sidaas darteedna la bilaabi doono sidii loo sameyn lahaa Internet-ka.

Shacabka intiisa badan ayaa aad uga xumaa maqnaansha Internet-ka waxaana uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa Ganacsiga iyo nolol maalmeedka caadiga ahaa.

Qeybo badna oo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya ayaa Manta sicaadi ah loga isticmaalayaa Qadaka Internet-ka,iyada oo shirkadaha keena qaarkood ay dadki istcimaalayaan.

Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Cansuur Xasan ayaa hada Saxaaafda isugu yeeray isaga oo faah faahin Guud ka siin doona maqnaanshihii Internet-ka iyo qaabkii lagu helay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!