Afar muwaadiniin Soomaali ah oo dab lagu qabsiiyay Koonfur Africa + Sawiro

by wadani | Monday, Nov 21, 2016

K/africa : HN : -Afar ka mid ah Muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika ayaa geeriyootay markii uu Deb ka kacay Dukaan ay dhex hurdayeen oo ku yaalla tuulada Injolli duleedka Magaalada P E ee Dalka Koofur Afrika.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya dhimashada Wiilashan Soomaalida ah,waxanay wararka qaar sheegayaan in Debka uu ka kacay gudaha Dukaanka halka Wararka qaar ay sheegaan in Debka laga qabadsiiyay Dukaanka.

Muwaadiintan geeriyootay ayaa lagu  kala Magacaabi jiray, Axmed Xooshow, Xuseen Cali, iyo Labo kale oo Magacyadooda lagu soo gaabiyay Aweys iyo C/rashiid.

Muxyadiin Jiley oo ka mid ah Ganacsatada  Somaaliyeed halkaasi ku dhaqan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay, in ay arrintani ay walaac badan ku abuurtay Soomaalida ku nool Koofur Afrika.

“ Wiilashan waxaa ay mashaqadaan ku dhacday xilli saq dhexe ah iyagoo Hurdo ku jiro waxa ayna u dhinteen Qaaca Debka , Laba ka mid ah iyagoo nool ayaa banaanka la keenay kadib ayay dhinteen waana ka xunnahay” ayuu yiri, Muxyadiin Jiley.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii muwaaddin Soomaaliyeed u geeriyooday Deb ka kacay Dukaankiisa isagoo meyd ahna laga soo saaray goobtiisa ganacsi.

Dhanka kale, waxaa Xaafadda Mayfair ee Johannseburg ka dhacay banaanbax xooggan oo ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaladaasi.

Mudaharaadkaas oo Dowladda Hindia loogu dalbanayay inay xorriyaddooda siiso muwaadiinta ku xiran Dalkeeda muddo Sanado ah, iyadoo Dowladda Soomaaliyana ugu baaqay inay xoogga saarto sidii Dhallinyaradaasi loogu soo celin lahaa Dalkooda.

ka8 ka7 ka6 ka5 ka4 ka4-1 ka3 ka2 ka1 ka1-1

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!