Afar wariye oo lagu riday maanta xukun lacageed

by admin | Sunday, Mar 1, 2015

Muqdisho : HN :–Kaddib markii maanta la horkeenay maxkamad gobolka Banaadir wariyayaal ka tirsanaa Idaacadaha Shabeelle SKY, iyo Risaalle, ayaa afar ka mid ah wariyayaasha waxaal lagu riday xukun ah ganaax lacageed.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in Maxkamada ay maanta dhageysatay dacwada loo heystay wariyeyaasha, isagoo xusay in lagu helay dhamaan dambiyadii lagu soo eedeeyay sida uu yiri.

Cabdi Maalik Yuusuf oo ah Milkiilaha Idaacaddaha Shabelle iyo SKY ayaa lagu xukumay $10,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Axmed Cabdi Xasan oo Idaacada Shabelle ka tirsan ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.Wariyeyaasha

Sidoo kale Maxamuud Carab oo ah agaasimaha Radio SKY ayaa isna lagu xukumay $2,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.
Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsan Risaala ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay xukunka Wariyaha kale ee Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan Idaacada Shabelle.

Xukunkan ay riday Maxkamada ayaa noqonaya kii u horeeyay muddo kadib markii dhowr jeer maxkamada la soo taagay wariyeyaasha ka howl galayay Idaacada Shabelle iyo SKY, kuwaasoo muddo ku dhow todobo bilood xirnaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!