Afgambi ka dhacay dalka Burkina Faso

by admin | Thursday, Sep 17, 2015

2015917635780744166544682Afgambi_Bukina_Faso_Maanta (1)Burkina Faso : HN :–Wararka ka imanaya dalka Burkina Faso, ayaa sheegaya in ilaalada madaxtooyada dalkaas ayaa la wareegay xukunka dalka, kadib afgambi dhacay, kaasoo lagu kala diray dowladdii KMG aheyd.

Nin aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Burkina Faso Blaise Compaore ayaa loo magacaabay Hogaamiyaha dalka.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa cambaareeyay afgambiga ka dhacay Burkina Faso oo horay u gumeysan jiray Faransiiska.

2015917635780744333901309Afgambi_Bukina_Faso_Maanta (7)Madaxweyne Hollande ayaaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Madaxweynaha KMg Michel Kafando iyo Ra’iisul Wasaare Isaac Zida, kuwaasoo shalay oo arbaci aheyd la xiray, xilli ay ka qeyb qaadanayeen kulan golaha wasiirada.

Ugu dambeyn, Ciidamada In-qilaabka sameeyay ayaa Maanta oo Khamiis ah ku kala eryay rasaas boqolaal dadweyne ah oo bannaabaxyo looga soo horjeedo afgambiga ka dhigayay Magaalada Ouagadougou ee xarunta dalka Burkina Faso.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!