Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo ka hadllay weerarkii Ismiidaaminta ee shalay

by admin | Monday, Jan 5, 2015

Muqdisho : HN :– Kaddib weerar ismiidaamin ah oo gallinkii danbe ee maalintii shalay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku nafwaayeen ilaa shan ruux, ayaa waxaa mas’uuliyada weerarkaas sheegty xarrakada Al-shabaab.

Afhayeenka xarrakada Al-shabaab Cali Max’uud Ragge [Cali Dheere] oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay iyagu ka danbeeyeen.

”Weerarkaas annaga ayaa fulinay, waxaan halkaa ku dilnay saraakiil isugu jirtay Somali iyo anjabi oo ay ka mid ahaayeen qubaro cadaan ayuu yiri” Cali Dheere.

Waxaa uu intaa ku darray in weerarkaas ay ku dilleen ilaa saddeed askari oo ka mid ah uu ahaa sarkaal sare oo ajnabi ahaa oo qaabilsanaa sidda uu hadalka u dhigay argagixiso la dirirka.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii degmada Waabari ee gobolka Banaadir uu ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari uu la socda ama wadday qof natiis hure ah, hasse ahaatee wasaarrada ammniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas dhinaca ciidammada waxba ka soo gaarin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!