Afhayeenka Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadllay xaalada dalka Burundi

by admin | Monday, May 18, 2015

Muqdisho : HN :–Afhayeenka xarrakada Al-shabaab Cali Max’uud Raage [Cali Dheere] ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Burundi, isagoo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ee ahaa in ay dagaal kula jiraan Al-shabaab oo doonaya in ay dalkiisa weeraro ka geystaan.

“Warka madaxweynaha dalka Burundi waa mid lagu doonayo in lagu dejiyo shacabka kacdoonsan ee wadooyinka isugu soo baxay iyo mid indhaha caalamka looga leexinayo falal aargoosi oo ay Xukuumaddu qorsheyneyso”ayuu yiri Cali Dheere.Afhayeenka Al-shabab Sh. Cali Dheere

Afhayeenka Shabaab ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Nkurunziza ee ah in ka digista weeraro Al-Shabaab ka geysato dalkaas ay tahay mid uu shacabka dalkiisa ku beer laxawsanayo.

Madaxweynaha Burundi oo ka bad baaday isku day afgambi dhicisoobay oo xukunka lagaga tuuri rabay ayaa ka digay  halista kooxda Al-Shabaab iyo saameynta ay ku yeelan karaan rabshadaha wali ka socda dalkiisa.

Banaan baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Burundi ayaa ka bilowday dalkaas 26-kii bishii hore, kadib markii Madaxweynaha Burundi uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isa soo sharaxayo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!