Afhayeenka Al-shabaab oo xaqiijiyay in uu geeriyooday Sheekh Xassan Turkiga

by admin | Thursday, May 28, 2015

Muqdisho : HN :–Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi (Sh. Xasan Turki) oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii aasaasay Al-shabaab ayaa geeriyooday, kaddib markii uu in muddo ah xanuunsanaa, sida ay sheegeen saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan.

Xubnaha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Sh Xasan Turki uu jiray 73-jir, xilliyadii u dambeeyayna uu xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday deegaanka Hargeysa Yarey oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe.Sheekh_Xasan_Turkey_Geeri

Sh. Xasan Turki ayaa kooxihii uu aasaasay waxaa ka mid ahaa Raaskambooni oo ay xubno ka ahaayeen dad badan oo hadda xilal kale ka haya dalka, waxaana uu ururkan burburay markii ay dagaallameen Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa isna xaqiijiyay geerida Sh. Xasan Turki, isagoo xusay inuu Sheekh Xasan uu ka mid ahaa xubnaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya uuna saddex jeer wada kulmeen Sheekh Osama Bin Laden.

Ugu dambeyn, Sheekh Xasan Turki ayaa ka mid ahaa xubnaha Al-shaaaab ka tirsan ee uu baadi-goobka ku hayo Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiirir dhow la lahaa Ururweynaha Al-Qaacida.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!