Afhayeenka Al-shabaab” waan la dagaallameynaa ciidammada Britain ee loo soo dirayo Soomaaliya

by admin | Wednesday, Oct 7, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Brtain David Cameron ayaa todobaadkii hore ka sheegay magaalada New York in uu dalalka Koofurta Sudan iyo Soomaaliya  u dirrayo ciidammogaaraya boqolaal askari, si ay uga qeyb qaataan howlaha xasiloonida iyo la dagaalanka Argagixisada.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ee Al-Andulus ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan Ciidamada Britain, hadi ay cagta soo dhigaan Soomaaliya.

“Ciidamada Ingiriiska hadii ay cagta soo dhigaan Soomaaliya, waxaan marsiin doonaan halkii ay mareen awoowayaashooda”ayuu yiri Cali-DheereSheekh Cali Dheere.

Sidoo kale waxaa uu xusay in meydadka Britain Ingiriiska lagu arki doono goobaha dagaalka, hadii ay ku soo biiraan duulaanka Soomaaliya sida uu yiri.

“Al-Shabaab waxaa uga qorsheysan inay la dagaalanto ciidammada Britain, markii horeba halkan waa joogeen, waxaana meydadkooda ku gowrici doonaa wadooyinka, waxaana laga daawan doonaa shaashadaha”ayuu mar kale yiri Cali Dheere.

Safiirka Britain u fadhisa Soomaaliya Hariet Mathews ayaa maalin ka hor sheegtay in Ciidamada Britain aanay ka qeyb qaadan doonin dagaalada ama aanay ciidamada tagi doonin safafka hore ee dagaalka.

Ugu danbeyntii qorshaha dowladda Britain ay ciidamo gaaraya ilaa 70 askari ugu soo direyso ayaa ah mid Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga taageerayaan howlaha lojistikada, caafimaadka, tababarka dhinaca milateriga iyo arrimo kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!