Afhayeenka AMISOM col, Xumad oo sheegay inuusan ogayn meel xilka looga qaaday

by Yahye | Saturday, Dec 27, 2014

Muqdisho; HN;- Afhayeenka ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Col. Cali Aadan Xummad ayaa maanta warbaahinta Muqdisho ka sheegay in uusan ka warheyn xil ka qaadis lagu sameeyay.

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Col. Cali Xummad laga qaaday xilka afhayeenka, mana la caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xil ka qaadistiisa.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya Col Xummad warbixinnada uu bixiyo ay yihiin kuwa isaga u gaar ah oo aan ka tarjumeyn AMISOM.

Col. Cali Xummad ayaa tilmaamay inuu sii wadan doono shaqadiisa, isla markaana aysan jirin xog uu ka hayo xil ka qaadistiisa.

Warka qoraalka ah ee AMISOM ayaa lagu sheegay in wixii ku saabsan AMISOM lagala xiriiri karo Eloi Yao oo lagu sheegay inuu yahay afhayeen cusub.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!