Afhayeenka AMISOM oo ka hadllay weerarkii Xalane

by admin | Thursday, Dec 25, 2014

Muqdisho  : HN :– Afhayeenka ciidamada midowgga Africa AMISOM Col Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in ay ka hortageen sidda uu hadalka u dhigay isku day ay Al-shabaab doonayeen in ay ku weeraraan saldhiga ugu weyn AMISOM ee Xalane.

Waxaa uu sheegay afhayeenka xaalada xarunta waqtiga tahay mid degan, islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM.

”Waxaa uu ahaa isku day weerar, xerada agagaarkeeda ayuu ka dhigay, waana la fashiliyay, xaalada waa degan tahay, gacanteena ayay ku jirtaa, khasaaraha dib ayaa ka soo sheegi doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay in foojignaanta ciidamada AMISOM ee ku hareereysan xerada ay keentay in aycali-xaamud weerarka fashiliyaan, isagoo ka gaabsanayay inuu faah faahin rasmi ah ka bixiyo weerarkaas iyo sida uu ku dhacay.

Rag hubeysan oo ilaa shan ruux gaarayay, kuna hubeysnaa qoryaha fudud, bambaanooyin iyo jaakadaha qarxa ayaa maanta duhurkii galay xerada Xalane, halkaasoo dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay.

Rasaas iyo qaraxyo oo dhowr saacado socotay ayaa laga maqlayay xerada Xalane, waxaana weerarkaas uu hakiyay dhaq dhaqaaqii wadada aada Air Porka iyo duulimaadyadii diyaaradaha.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Col. Paddy Ankuna ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dhamaan AMISOM iyo shaqaalaha UN-ka ay bad qabaan, isla markaana ay iska caabiyeen Shabaabkii soo weeraray.

Dhinaca kale afhayeen u hadllay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkan ay ku soo beegeen xilli ay xaflada ciida masiixiga ka socotay, waxaana ay sheegteen in tiro ka mid ah dagaalyahanadooda ay gudaha ugu jiraan xarunta Xalane.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!