Afhayeenka AMISOM oo ka warbixiyey weerarkii lagu qaaday xerada Xalane

by Yahye | Thursday, Dec 25, 2014

Muqdisho; HN;- Afhayeenka ciidanka AMISOM Col.Cali Aadan Xumad ayaa ka hadlay weerarkii maanta kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta looga arimo AMISOM ee ku taalo Muqdisho (Xalane).

Wuxuu sheegay Col. Aadan Xumad oo wareysi siiyay Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da inuu jiro weerarka,isagoona tilmaamay inay soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,laakiin wuxuu ka gaabsaday Afhayeenka uu faah faahin ka bixiyo qasaaraha weerarka ka dhashay.

Dagaalka ayuu sheegay inuu ka dhacay dibada xarunta AMISOM,islamarkaana uusan ka dhicin gudaha xarunta, wuxuuna shaaciyay in wixii qasaaro oo ka dhashay weerarka dib u ka soo gudbin doono,sida VOA-da u sheegay.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan,sida lagu qoray baraha Shabaabka taageera.iyagoona sheegay in guutada Al-shabaab u qaabilsan weerarada ismiidaaminta weerarka ay qaadeen.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Key ayaa Bartiisa Twitterka ku qoray inuu cambaareynayo weerarkii maanta,isagoona ku tilmaamay talaabo aan dib u dhigeyn hormarka iyo dadaalada ka socda Soomaaliya

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!