Afhayeenkii ciidammada AMISOM oo la sheegay in waqtigiisii dhamaaday

by admin | Sunday, Jan 4, 2015

Muqdisho : HN :–Wakiilka midowgga Africa Soomaaliya Maman S. Sidikou oo maanta shir jaraa’id ku qabtay taliska AMISOM ee Xalane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil-ka-qaadistii afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud, isagoo shaaciyay in afhayeenka aan xilika looga qaaday weerarkii Al-shabaab ee Xalane, isla markaana uu waqtigiisu dhamaaday.

Danjiraha ayaa intaas raaciyay in Col. Cali Xumud uu waqtigiisu ku ekaa sannadkii tagay ee 2014, sidaa daraadeedna aanay jirin wax cusbooneysiin ah oo uu shaqadiisa kusii wadan karo.

Sidoo kale, danjire Sidikou ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab ay Xalane la beegsatay 25-kii bishii December eeCol.-Xumad sannadkii hore, isagoo xusay inuu ahaa mid nasiib-darro ah oo ay naftooda ku waayeen askar iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

“Weerarkaas waxaan ku wanay askar iyo saraakiil qiimo badan lahaa, kani waa weerar walaac badan dhaliyay, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday oo dhan la laayay,” ayuu yiri Sidikou, isagoo intaas ku daray. “Al-shabaab wax walba ayay sameyn karaan oo ay ku weerarayaan meel walba sida qaybaha warbaahinta,” ayuu hadalkiisa ku daray ergayga Midowga Afrika ee Somalia.

Danjiraha oo sii hadlay ayaa wuxuu sheegay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo shacabka Soomaaliyeed si gaar ah ugu baaqay inay gacan ka geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Halkan waxaan fariin cad uga dirayaa Al-shabaab, taasoo ah in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya oo dhan ay ka saaraan Al-shabaab. Waayo kooxdu waxay caado ka dhigatay inay laayaan dad aan waxba galabsan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sidikou.

Ugu dambey, ergaygu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay sannadkii la soo dhaafay ee 2014-ka horumarro badan sameeyeen, kuwaasoo uu xusay inay ka mid ahaayeen magaalooyin ay Al-shabaab ka qabsadeen iyo inay ka qayb-galeen shirar dib u heshiisiin ah oo maamullo lagu dhisay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka danjire Sidikou ee ku aaddan in afhayeenkii AMISOM uu xilliga ka dhammaaday ayaa wuxuu kusoo beegmayaa markii ay AMISOM soo saartay bishii hore qoraal ay ku sheegtay inay Col. Cali Xumad xilka ka qaadeen, taasoo uu isaguna gaashaanka ku dhuftay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!