Agab kala duwan oo ay lahaayeen Al-shabaab oo lagu qabtay deegaanno hoostaga Buula-burte

by admin | Monday, Jan 19, 2015

Buula-burte : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in laba doomood iyo gaadiid ay ku jireen mootooyin oo ay lahayd Al-shabaab lagu qabtay deegaan 30-km u jira degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Duqa degmada Buula-burte Cismaan Geeddi ayaa sheegay in gaadiidkan iyo doomahan oo ay adeegsan jireen xoogag ka tirsan Al-shabaab lagu qabtay howlgal ay wadajir u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti.

“Howlgalka lagu qabtay doomaha iyo gaadiidka ay Al-shabaab lahayd wuxuu ka dhacay deegaan u dhexeeya Jalalaqsi iyo Buulo-burte, halkaasoo ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab,” ayuu yiri duqa Buulo-burte.

Waxaa uu siddoo kale sheegay  in doomaha la qabtay ay ahaayeen laba ay kaga gudbi jireen webiga dhinacyadiisa KoofurtaXarardheere_Gobolka_Mudug_Somalia iyo Bariga, iyagiina way ka carareen markii ciidamadu ku dhawaadeen mana jirto wax dagaal ah oo ka dhacay.

“Deegaanka uu howlgalku ka dhacay wuxuu qaybiyaan degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi markii ay ciidamadu ku dhawaadeen ayayna goobtaas ka carareen, ciidamaduna howlgalka kaddib way isaga soo baxeen,” ayuu mar kale yiri duqa degmada Buulo-burte Cismaan Geeddi.

Ugu dambeyn, duqa ayaa sheegay in deegaankaas ay ku nool yihiin dad shacaba ah, ciidamadooduna ay kasoo baxeen, isagoo xusay inaysan jirin sababta ay halkaas u sii joogaan haddii ay howlgalka fuliyeen.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadlin doomaha lagu tallaabo webiga iyo gaadiidka ay mootooyinka ka mid yihiin ee ay maamulka Buulo-burte uu sheegay inay ka qabsadeen Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!