Ahlu Sunna” dowladda haddii ay Al-shabaab walaal u aragto annaga cadaw ayaan u argnaa

by admin | Saturday, Feb 28, 2015

Guri-ceel : HN :– Afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay gobolka Galguduud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sidda uu hadalka u dhigay Ahlu Sunna iyo Al-shabaab u kala soocan yihiin, islamarkaana xamaada dagaallka Ahlu Sunna ay dowladda u qabto aysan u qabin Al-shabaab.

Waxaa uu ku eedeeyay in dowladda ay hurineyso dagaallada ka jira gobolka Galguduud, islamaraana ujeedadeedu tahay in meesha laga saaro Ahlu Sunna Waljameeca, laakiin waxaa uu sheegay in arintaa marnaba aheyn mid dhici doonta.

“Xamaasadda qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya ay u hayaan dagaalka  Ahlu Sunna kuma bixiyan umana hayaanAfhayeenka_Ahlusunna_Waljamaaca Al-shabaab, madaxda dowladda haddii ay u arkaan Al-shabaab walaalo fududaaday, innagu waxaan u aragnaa inay yihiin cadow,” ayuu afhayeenka Ahlusunna ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dowladda Somalia ay qadarin weyn siiso shaqsiyaadka kasoo goosta Al-shabaab markii ay dhankooda kusoo biiraan, taasoo muujinaysa buu yiri in dowladda ay u kala soocan yihiin Ahlusunna iyo Al-shabaab.

Dagaallada ka socda degmada Guri-ceel ayaa waxay u dhexeeya ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo Ahlusunna, iyadoo dagaalladaas ay ku naf-waayeen tiro ka mid ah dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray afhayeenka Ahlusunna ayaa imaanaya iyadoo weli degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhexeysa dhinacyada ku dagaalamaya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!