Ahlu Sunna oo hawadda ka saartay idaacad ku taalla Galguduud

by wadani | Tuesday, Nov 15, 2016

Galguduud : HN : -Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna ayaa maanta galinkii hore xiray idaacada Radio Galgaduud ee magaalada Guriceel.

Idaacadaa ayaa la xiray abbaare 10kii subaxnimo ee maanta, ciidammada ayaa ku amray in shaqaalihii idaacadaasi ay kasoo baxaan xarunta idaacada dabadeedna waa ay xireen.

Wariye ka tirsan idaacadaa ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in sidoo kale ay aalad idaacadu lahayd (transmitter) ay halkaa ka qaateen.

Si kastaba ha ahaatee idaacadaa ayaa aad looga dhageysan jiray qeybo badan oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!