Ahlu Sunna oo sheegtay in aysan ciidammadooda ka saari doonin degmada Guri-ceel

by admin | Tuesday, Mar 10, 2015

Guri-ceel : HN :– Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in ay ciidammadooda ka jooga degmada Guri-ceel marnaba laga saari doonin halkaa, iyaga oo gaashaanka ku dhuftay in hihiiskii dhawaan lagu gaaray degmada uu qeyb ka ahaa qodob dhigayay in ciidammada Ahlu Sunna ka baxaan Guri-ceel.

Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Talada Ahlusuna C/llaahi Gurey ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Guriceel aysan la bixi doonin, isla markaana qodobada horay loogu heshiiyay aanu qeyb ka aheyn in ciidankooda laga saaro Guriceel.

“Waxa weeye qodobada shanta ahaa ee lagu heshiiyay wuxuu dhigayay in ciidanka soo dulay laga saaro oo dib loogu celiyo meelihii ay ka yimaadeen sida Dhuusa Mareeb, in dadkii ka barakacay la soo celiyo, kuma jirin ciidanka Ahlusuna haka baxeen, ayaga horay u joogi jiray Guriceel iyo meelaha kale, waxaasna caqli saliim ma ahan”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyaga mar walba ay diyaar u yihiin inay dhaqan geliyaan heshiiska, hase ahaatee mar kasta dowladda ayDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud gadaal ka bur buri jireen shirka sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa duleedka Guriceel, ayaa laga saaray, waxaana lagu bedelay Ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya oo maalmo ka hor la geeyay, si ay labada dhinac u kala dhex galaan.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa wali ku sugan Guriceel, kuwaasoo dhameystiraya qodobadii lagu heshiiyay, waxaana la filayaa in maalmo kadib wada hadal la isugu yimaado, si heshiis rasmi ah loo wada gaaro.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!