Ahlu Sunna oo ugu baaqday madaxda sare ee dalka in ay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya

by admin | Monday, Oct 27, 2014

Muqdisho : HN :– Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe ayaa ugu  baaqay raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inay wada-hadal ku dhammeeyaan khilaafka soo kala dhex galay.

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna, Sheekh Cabdirsaaq Maxamed Mire (Al-Ashcari) ayaa warbaahinta u sheegay in loo baahan yahay in si deg-deg ah loo xalliyo khilaafka madaxda sare ee dalka si loo samatabixiyo dalka iyo dadka.

Al-Ashcari ayaa u jeediyay madaxda dowladda inay eegaan danaha dadka iyo mustaqbalka dalka, isla markaana loo guntado midnimadaAhlu-suna iyo u shaqeynta dadka tabaaleysan ee Soomaalida.

Madaxda ururka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa isugu yimid kulan ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin khilaafka hoggaanka sare ee dalka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!