Ahlu Sunna Waljameeca oo wariyayaal ku xir xirtay Dhuusa-mareeb

by admin | Saturday, Aug 1, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya maamulka degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, ayaa xabsiga dhigay ilaa saddex wariye oo ka howlgal magaalada.

Wariyeyaasha la xiray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeynayay Warbaahinta dowladda,Ahlusuna-Waljamaca Cabdi Jamaal Macalin Axmed oo u shaqeeya Radio Barkulan iyo Kalsan TV iyo Bashiir Maxamed Salaad oo u shaqeeya Telefishinka Horn Cable

Xariga wariyeyaashan ayaa ka dambeeyay markii amaro adag la dul dhigay wariyeyaasha oo ahaa in aysan ka hadli karin wararka siyaasada, isla markaana isa soo diiwaan geliyaan, saxafi kastana uu keeno saldhiga documentigiisa iyo amaro kale.

Waa markii ugu horeysay oo ay Ahlu Sunna xirraan tiro wariyayaal intaa la eg oo ka howlgal gobolka, tan iyo intii ay ku dhawaaqeen maamulka gobollada dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!