Akhirso sidda beellaha loogu qeybiyay saami-qeysiga dhismaha M Hirshabeelle

by wadani | Tuesday, Oct 11, 2016

Muqdisho : HN :–Iyadoo heer gaba-gabo ah uu marayo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, ayaa waxaa markii ugu horeysay soo shaac-baxay sidda urur gobolleedka IGAD iyo wasaarrada arrimaha gudaha ugu qeyb-biyeen beellaha saami-qeybsiga dhismaha maamulka.

Beesha Xawaadle, ayaa la sheegay in la siiyay kursiga madaxweynaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe. halka beesha Abgaal lagu qanciyay in ay qaataan kursiga madaxweyne ku-xigeenka, madaama xarunta dowlad gobolleedka laga dhigay magaalada Jowhar.

Dhinaca kale, shaxda saami-qeybsiga awooda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ku qoran in beesha Gaaljecel loo daayay kursiga baarlamaanka maamulka labada gobol, halka beesha Gugundhabe qaateen in ay u tartamaan guddoomiye ku-xigeenka baarlamaaanka.

15 bishan Oktober, ayaa la filayaa in la doorto madaxweynaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe Hirshabeelle, waxaana maamulkan dhismhiisa uu imanaya xili qaar ka mid ah beellaha gobolka ka gadoodsan yihiin dhismaha maamulka.

Shirka ayaa maalintii shalay waxaa ku biiray oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar qaar ka mid ah Ugaasyadii sidda weyn uga biyo diidaan dhismaha maamulka oo waayadii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!