Akhriso magacyada iyo qabaa’ilada maanta lagu doortay Muqdisho

by wadani | Thursday, Dec 22, 2016

Muqdisho :HN :- Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo doortay afar xildhibaan oo ka mid ah xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia ku metelaya gobolada Woqooyi.

Doorashadan xubnaha gobolada woqooyi ayaa si is daba joog ah hakad loo gelinayey todobaadyadan ka dib murano iyo isqabqabsi ka taagnaa ergooyinka qaarkood.

1-Biixi Iimaan Cige oo ka soo jeeda beesha Isaaq/Cidagale/Yoonis ayaa ka mid ah Xildhibaanadda la doortay maanta kaasoo ku guuleystay 47 cod, halka Axmed Jaamac Maxamuud oo la tartamay uu helay labo, iyadoo labo codna ay xumaatay.

2-Kursiga labaad ee maanta lagu tartamayay waxaa ku guulaystay Cabdirasaq Daahir Maxamud oo ka soo jeda Isaaq/Arab/Guulane kaasoo helay 49 cod, halka Khadro Jaamac Gaheyr oo la tartamaysay aysan wax cod ah helin. labo codna wey xumaatay.

3-Saciid Maxamed Maxamud oo ka soo jeeda beesha Gabooye/Muuse dheri isla markaana helay 43 cod ayaa ku soo baxay Kursiga saddexaad ee maanta loo tartamay halka Khadro Saciid Cabdullaahi oo la tartameysay aysan wax cod ah helin, codadka soo harayna wey wada xumaadeen.

4-Kursiga 4aad waxaa ku soo baxay Xuseen Carab Ciise oo ka soo jeeda beesha Isaaq/Cidagale/Reer Iidle kaasoo ku guulaystay 47 cod, Maxamed Cali Xadeyd oo la tartamayayna wuxuu hely 2 cod, halka 2 codna ay xumaadeen.

Doorashadda xubnaha aqalka hoose ee goboladda waqooyi ee Somaliland ee ka socota magaaladda Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la dhameystiro, iyadoo ilaa iyo hadda la doortay 30 xildhibaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!