Akhriso magacyada musharixiinta maanta ku tartami doona aqalka hoose, Cadaado

by wadani | Wednesday, Nov 16, 2016

Cadaado : HN :-Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay ka dhaceyso Cadaado doorashada illaa sagaal kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose, kaasoo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah oo isugu jira Xildhibaano hore, kuwo xilal haya iyo kuwo kale.

Inkastoo labadii maalmood ay hakad ku jireen doorashooyinkii Aqalka Hoose sababo ku aadan is qab qabsi iyo khilaafaad ka taagnaa habka ay u socoto doorashada ayaa Guddiga doorashada waxaa uu sheegay in la xaliyay.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in doorashada ay bilaaban doonto 9-ka subaxnimo, isagoo ugu baaqay dhamana Musharaxiinta soo buuxiyay liiska inay waqtiga ilaaliyaan.

Doorashada ugu adag ee isha lagu haayo ayaa dhex mari doonta Siyaasiyiin caan ah, Ganacsato iyo xubno siyaasada ku cusub.

1- Beesha Waceysle, Cali Gaaf ayaa waxaa ku tartamaya Eng. C/llaahi Cali Xasan oo ahaa Agaasimihii Hey’adda CED, Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim oo ah Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo Fowziyo Xasan Abukar oo horay uga soo shaqeysay Xafiiska UNSOM.

2- Kursiga labaad Beesha Waceysle, Marooyin Axmed Yuusuf Guuleed oo Ganacsade ah iyo Ganacsadaha caanka ah C/llaahi Cali Axmed oo loo yaqaano Caddow Cali Gees oo horay Xildhibaan u ahaa.

3- Kursiga 3aad Murusade Habar ceyno Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii dalka soo maray, isla markaana ahaa Xildhibaan 8-dii sano ee u dambeysay iyo Axmed Mukhtaar Maxamuud.

4- Murusade – Habar Ceyno:- Maxamed Maxamuud Guure, Zakariye Maxamed Cosoble, C/qaadir Nuur Caraale iyo C/qaadir Gaafow Maxamuud.

5- Murusade – Habar Adinle:- Xuseen Qaasim Yuusuf iyo Shire Macalin Gaab

6- Duduble – Maxamed Camal:- Maxamed Cilmi Afrax, Bootaan Ciise Caalin, Cabdulle Faarax Xirsi iyo Cali Sheekh Yaasiin Fadhaa

7- Murusade – Sabti- Abakar:- Xasan Macalin Maxamuud, C/qaadir Xuseen Maxamuud iyo C/fataax Cali Xasan

8- Duduble Awr-wadeen:- Maxamed Cabdulle Faarax Geesey, Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye

9- H/gidir- Saruur:-  Cawil Maxamed Siyaad, Xaawo Kiin Maxamed Cali iyo Xirsi Aadan Rooble

Ugu danbeyntii, musharixiintan ayaa waxaa ka mid ah xubno xilal ka haya maamulka Galmudug iyo Guddoomiyeyaal degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!