Al ka gurguuree Al u guur Q-2aad. WQ. Bashiir M. Xersi

by Yahye | Friday, Apr 5, 2013

Maqaal2Haddaan qormadii koowaad ku soo xusay, in Dunida Muslinka uu ka hana qaaday Daacuun Diimeed Siyaasada da bada ku haaya, kana kala yimid dalalka Masar iyo Sucuudiga, oo Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay Ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab “WAHAABIYA” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB IKK.
Dhanka dalka Masarna waxaa hordeed ka ahaa ninka kale ee la yiraa; Xasan Al Bannaa, “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo kuwan dambee la baxay DAM JADIID.

Sidoo kale, aan xusay Maxkamadihii, ee aan la fiirin inay yihiin raggii Dagaalkii Buundadii Araare, ee Kismaayo ka qaybqaatay, dagaalkii Boosaaso ee Gobolka Bari iyo kii Gobolka Gedo ka qaybqaatay. Haddii Xabashi Maxkamadihii xabbad indhaha ka galisay, ee ay kaynta u kala carareen, waxaa fud soo yiri, oo awalba Qamiiska ugu jiray Alshabaab. Adba kaalay maaro iyo tab u hel. Haddii rag ka mid ah siyaasad wadaag la noqdeen dawladdii C/laahi Yuusuf, wali waxaa nalagu hagayey nidaamkii ASHA [AALA SHEEKH]. Haddii 20012 maamul cusub yimid, wali waxaa na daba taal ASHII [DAM JADIID] AMA [ISLAAX-IKHWAAN MUSLIMIIN]. In kasta oo raggan cusubi ku leeyihiin anagu kama mid nihin ama kama mid noqonba. Haddana saw ma ahan AL KA QAADO AL U DHIIBO.

Haddii aan Islaankii dhawaan galka ahaa intaa uga gudbo, bal aan dhan kale ka eego ASHA. Illeen Wadaad waa isku hale, magacuu doono ama aragtidoo doono ha watee. Tusbaxlayda Bun jabyayaasha loo yaqaan ee AHLUSUNNO sidii ay ugu buureen dirirta waddanka ka jirta ee Jihaadkii Jannada lagu doonayey ay dhinacooda ka doojiyeen, waxay la soo bexeen wax awalba oo laga filan karay. Sida dilka dad ay ku sheegeen DAMBIILAYAAL, eense Maxkmada la soo taagin, Muddac iyo Muddacaha kala saarta, Qareenna u qabata. Xirid Wariyayaal iyo ugu dambayn, ee ah midda ugu qatarsan, in ay Xildhibaanno deegaanka Galguduud iyo Hiiraan ka soo jeeda oo booqasha ku joogay ay ku amreen inaysan ka hadli karin Siyaasadda Gobolka. Waaba iga su’aale, haddaa yaa kaloo ka hadli laaha? Ma kuwa Xabashidu abuuratay? Ani ma garan.

Murti baa ahayd: “Riibi Geed ma daaqo lagamana daaqo!” waxaan uga jeedaa, saddax sano ayey dadka deegaanka Afduub Siyaasadeed ku haysteen, oo aan marna lagu dhicin in wax aan iyagu hormuud ka ahayn laga hirgalsho deegaannada ay ka taliyaan. Bal adba eeg deegannada aysan Ahlusunno maalumin, ee ka tirsan isla deegaanka, wax unbaa ka dhisan sida Galmudug, Ximan iyo Xeeeb. Isla degmooyinka kale bal eeg, Dhuusa Mareeb, Matabaan, Guriceel, Caabudwaaq, Balanbal IWM dhamman hoggaan rasmi ah iyo hannaan siyaasadeed midna kama jiraan, dabcan dad ku magacaaban way jiraan. AL KA QAADO AL U DHIIBO

Aan kuu jilciyee, horta ina rag waa in arage. Qof walba hadduu ku ekaado KAALINTIISA BULSHO [AQOONTIISA ADEEGGEEDA KU EKAADO] hubaal in wax badan hagaagi lahaayeen. Maxaa yeelay, Wadaad wax ka wanaagsan ma lahan inta uu Bulshada hannaanka Wadaadnimo ugu adeegayo [WACDI DAMQASHO LEH, ALLA KA CABSI CIBAADO AH, HANUUNIN IYO KU BOORRIN FALIDDA KHAYRKA, KA DIGIDDA XUMAANTA IYO CAWAAQIBTA AY LEEDAHAY ADDUUN IYO AAKHIRO IWM]. Maalinta uuse wadaadku u weecdo dhan kale, ee waliba Siyaasad iyo sad burin galo, halkaa ayaa Maradu uga dhacdaa. Tanna kuma kala duwana labada Wadaaddo ee dalka noo jooga, ee iminkaba saaxada dalka si fiican uga muuqda.

Dadkii waa afduubeen
Afti waa u diideen
Arag waa ka duubeen
Maqal waa ka awdeen
Addin waa ka laabeen
Urtii kaba ilaasheen
Neecaaw udgoon iyo
Aariyo ka dhawreen
Oodeey u jiideen
Ka xireen albaabkii
Asqey nagu abuureen.

Maanta waxaan joogaa in cod dheer iyo cod hoosaba lagu yiri ALSHABAABha lala jihaado. Midse lama eegin; qofka dhahayaa; Alshabaab ha lala dagaalo, waa kee? Ma mid shalay markii MAXKAMADUHU JIHAADKA la jadbaysnaayeen u codaynayaa [DUCAYNAYAA], waliba DIIN ugu qiilinayaa, mise waa qof kale? Hadduu kan hore yahay, ha ka dhagaysan, illeen hadalka waxaa ka keenay isagaa wareegtadu ku timide, oo naftiisa ayuu baxsi la yahay. Kii Alshabaab dhaliilay iyo isaguba waa u siman yihiin.

Aan meel ka dhaw kaa tuso, adoon is dhihin, ninkan sheekadii Suufiyada ayuu noo maldahayaa. Ninkii shalay ku lahaa; 1- WACALNIMAAD ku DHALATAY, oo HOOYADAA iyo AABBAHAA waa iska SINAYSTEEN [XARAAN AYEY ISKU QABEEN!]. 2- WALAALKAA inaad GOYSO ayaad ALLE ugu DHAWAAN kartaa, oo AADAN SALAAMIN, CUNTO la WADAAGIN, illeen waa BIDCIYE! 3- WALAALKAA inaad ku JIHAADDO oo kali ah ayaad JANNO ku GALI kartaa! 4- WARAABAHA ayaa XALAAL ah. Wadaadka caynkaa ah waxa dambe ee laga filan karaa maxay noqon karaan? Adba qiyaaso.

ASHAHAADO beenoo
Afka laga yiraahdoo
Uurka aanan jirinoo
Dadka lagu ugaartoo
Ubad lagu gumaadoo
Ayeeyiyo cirrooliyo
Marrastiyo Awoowaba
Aan loo arxamahayn
Asluubtooda weeyaan!

Waxaa jirta HEES ay isla Xareediyaan labada Fannaan; Maxamed Nuur Giriig (AUN) iyo Maryan Mursal Ciise Bootaan. Oo Giriig leeyahay;

Ninka dila Abeesee
Ubadkeeda daystee
Daajee rabbeeyaa
Dib u qoomameeyee.

Midda Wadaada AL ITIXAAD iyo AL ICTISAAM haysata gaar ahaan iyo guud Umadda Soomaali waa taa oo kale. Illeen labadan Urur iyagaa dhalay, beeray, barbaarshay Al Shabaab. Soomaalina waa garan waysay, inay kala gartaan kuwa dhaqan dooriska loo soo diray ee magac walba ku iman kara inay ka feejignaato. Malaha meeshii ay ka jilicsanayd ayaa laga soo galay, ee diinta ah. Raggan diin dacareedka doojinaya waxay ku soo gabbadeen FAWDO dawlad la’aan ah iyo SABOOLNIMO baahsan.

Anoon ku dheeraaynayn sida wax yihiin, wixii dhacay, sooyaalka tagay, ayaan jeclaan lahaa inaan erayo aan badnayn ku soo xiro qoraalka. Waxaad mooddaa wali inaan HIYI RAAC nahay. Taa waxaan u leeyahay, wali iima muuqdaan inta aan soo sheegay ee sibiqda nagu gashay digtooni laga muujinayo, ee ku salaysan aragti CAYMIN doon ah, oo ku qotonta qalad sixid iyo badbaado qaran, marka laga soo tago baaritaan qotodheer iyo qodobbo ku qodban wixii dhacay.

Haddaan maalin walba dhacdada uun ka falcelinno, ee u badan karta calool xumo iyo cataab, saw ma nihin INDHA KU GARAADLEYAAL iyo MAR LA NOOLEYAAL? Micnaha haddii aannaan qodbin qorshe dhan ka ah kuwa QASWADAYAASHA ah, ee had iyo jeer qalalaasaha abuura, ee dabada la gali kara wax kasta, tusaalaheenna haddana yahay diinta. Waxaa hubaal ah inaan maalin walba ku dhacaynno dabin dhigan, sun duugan iyo sir silloon.

Haddii lagugu yiri ama aad is leheed Alshabaab waa laga guulaystay, si qaldan baa wax laguugu sheegay ama aad u maanisay. Cudud ahaan haa, oo gobollo dhawr ah, magaalooyin badan iyo degmooyinba Malleeshiyaadkoodii laga saar. Balse, ma ogtahay inuu hadda iyo wixii ka dambeeya billawday dagaalkii ugu adkaa uguna dhib badnaa?.

Waxaan saa kuu leeyahay, ha moodin in ay Alshabaab yihiin kaliya inta qoriga u sidda iyo inta shulugga ku dhuumata ee aan wajigooda dadka tusi karin. Bal Mujaahid geesinimaa lagu ogaaye, hadduuba wajigii duubtay Jihaad caynkee ah ayuu wadaa?.

Alshabaab cudud ahaan marka laga soo tago, aragtideeda waxaa kaloo qaba kooxo diimeed dhawr ah, oo aa magacooda kor ku xusay, walina umadda ayey ka dhex qalaadaan, oo maalin walba war saxaafadeed habaabin iyo hilin ka weecin ah u soo saaraan.

Dabcan laga yaabee, inaad i leedahay, ama is leedahay; maadama wuxu Carab xaggeeda ka yimaadeen diin laga dhig mid ay tahay, haddaba sidee ku suuragalee, in ASHAA aan la adeegsan? Waxaan kuugu warcelinayaa; dhibku inuusan ahayn ASHA adeegsigeeda, haddii aysan dhaqan doorin iyo dhalanrog xambaarsanayn, ee waa qaabka ALLAYDU u dhaqmaan, inta laga gaarayo heer laga karaahsado.

Sidaa waxaan u leeyahay waa maroo horta qofkii aysan afkiisa hooyo ahayn sida anaga Soomaalida ah oo kale, hubaal inuu hore ka nacayo. Maxaa yeelay wax uusan ab iyo isir midna u lahayn ee haddana kala dhantalaya awooddiisa, mugdina galinaya aayatiinkiisa, si aad u liqdaa waa adkaan. Haddii kale wuxuu noqon meeshuu Abwaan Salaan Carrabeey ka yiri:

Nin dharbaaxo quureed dugsaday, dhaqantadeed maalye
Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide!

Midda kale, intii ASHA ab u leheed baaba qaati ka taagan. Aan tusaale waaqica maantaya ka soo qaato. Dawladihii Carbeed ee dhawaan ay ka dheceen waxa loogu yeeray KACAANKII GUGA, ee ay ka midka ahaayeen dalaka Masar, Tuunis, Yemen, Libya iyo Suuriya oo wali foolanaysa, side xaalkeedu yahay?.

Marka laga reebo Waddama Masar iyo Tuunis inta kale waa wada xasillan yihiin. Dabcan hannaan siyaasadeed ahaan baan uga jeedaa, oo dilal waa dhici karaan iyo ammaan xumo. Halka waddamada Masar iyo Tuunis ay ka taagan yihiin qalalaaso siyaasadeed iyo haggaan. Maxaa keenay taa?
Taa waxaa keenay, in labadaa doorashooyinkii ka dib, ay ku soo bexeen nimankii ASHAJannada lagu galayey watay. Masar waxaa guulaystay IKHWAANKII, isla Tuunisna sidoo kale. Haddana, wax u hagaaga la waa. Tuunis dawladdii waa kala tagtay, Wasirkii koowaad waa is casilay. Masar gacan yarayaashii Morsi badankood xilalkii waa iska casilen, ka dib markuu awooddii dhan isagu isku shubay, oo haddaa Mubarak maxaa loo cayrinayey? Ani ma garan.

Aan ku soo xiro qormada baydadkan ku jira maanso dhawaan aan soo saari doono, oo aan ku muujinayo waxa na sugaya, ee na soo haya waqtiga dhaw ee soo socda, waana sidan:

Haddii aad Afgooyiyo
Xamar aaggaggeediyo
Af Madaw xoraysay
Alshabaab ka saartay
Intay Aayad leexsheen
Xadiis ay aguugeen
Aqligii ay awdeen
Alambaqa washaaq iyo
Abtar ay ka yeeleen
Aafo ay abuureen
Ayaamiyo gu’yaal iyo
Saacad kuma ogaatide
Soomaaliyey Ayaanka
Idinkiyo AL weeyaan!

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!