Al-shabaab oo 36 ruux kale ku dushay dulleedka degmada Mandheere G/W/Bari Kenya

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Mandheere : HN :- Dabley la aaminsan-yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ilaa 36 ruux kale ay ku dilleen meel dulleedka ka ah magaalada Mandhera ee gobolka W/bari dalka Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dableyda hubeysan tageen goob sidda la sheegay kaawada laga qado, kaddib halkaa ku qabsadeenMandheera1 dhamaan dadkii ku sugnaa goobta, oo ay u kala sareen muslim iyo masiixi, waxaana la sheegay in ay goobta ku dilleen 36 ruux oo ahaa kuwii heystay diinta masiixiga.

Hay’adda Lanqeerta Cas ee Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in dhamaan dadka la dillay madaxa laga wadda gooyay, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay.

Mudo shan cisho ka hor ah ayeey aheyd markii Al-shabaab ay dulleedka Mandheera ku dilleen 28 ruux oo la sheegay in kala degeen Bas ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, dadka la dillay dhamaantoodna waxaa ay ahaayeen macalimiin iyo dad waxbarashada ku lug leh.

Ilaa iyo hadda  ma jiro wax war ah oo ay dilkan danbe ka soo saareen hay’addaha ammniga dowladda Kenya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!