Al-shabaab oo afduubatay shaqaalle gargaar

by wadani | Wednesday, Dec 30, 2015

Galguduud : HN :–Wararka aan ka helnay Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al shabaab ay afduubteen Gaari Ambalaas ah iyo dadkii saarnaa kuwaas oo ka howlgalayay Magaalada Dhuusa-mareeb.

Afduubka loo geystay gaarigaan iyo Shaqaalihii saarnaa ayaa ka dambeeyay, kadib markii gaariga loo diray inuu dad xanuunsan ka soo qaado tuulo lagu magacaabo Yalaxoow oo duleedka Degmada Dhuusamareeb ku taallo.

Gaariga Ambalaaska oo maraayay inta u dhaxeysa Tuulada Yalaxoow iyo Deegaanka Ceeldheer ayaa rag hubaysanalshabaab oo Shabaab ka tirsan jidka ay u galeen, kadibna ay qafaasheen gaarigaasi.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in gaariga ay saarnaayeen Darawalkii Baabuurka iyo Ruux Dhaqtar ah oo loo diray shaqada ku saabsan soo qaadista dadka Bukaanka ah.

Darawalka Baabuurka ayaa magaciisa lagu sheegay C/kaafi Jabaan halka Ninka Dhaqtarka ah ee gaariga la socday isagana magaciisa lagu sheegay Yaxye Cali Baari.

Ragii hubaysnaa ee Shabaabka ka tirsanaa ayaa gaarigaan la aaday dhanka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud oo ah Degmo ay maamulaan Kooxda Shabaabka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!