Al-shabaab oo askar ka tirsan Kenya gaadmo ku dishay

by wadani | Sunday, Dec 27, 2015

Kenya : HN :–Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta laba sarkaal oo booliis dalka Kenya ka tirsanaa ku dilay, laba kalena ku dhaawacay, weerar gaadmo ah oo ay la beegsadeen gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamadaan oo marayay waddo isku xirta deegaanka Ceel-waaq iyo degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

“Laba sarkaal oo booliis ah ayaa dhintay, labana kalena way dhaawacmeen kaddib markii maanta weeraro gaadmo lagu qaaday gaadiidkii ay wateen oo ku safrayay jidka isku xirta Ceel-waaq iyo magaalada Mandheera,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay ururka Laan-qeyrta Cas ee Kenya.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo dhowr jeer oo hore weerarro uga geystay gudaha dalkaKenya-troops Kenya, kuwaasoo ay ku dileen tiro ka mid ah ciidamada Kenya iyo dad shacab ah.

Warbixin ay Al-shabaab soo dhigeen Internet-ka ayay ku sheegeen inay maanta weerareen baabuur ay wateen booliiska dalka Kenya oo ka tagay Ceel-waaq kuna socday Mandheera, iyagoo sheegay inay weerarka ku dileen saddex sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan, kuwo kalena ay ku dhaawaceen.

“Saddex askari oo ka tirsan booliiska dalka Kenya ayaan ku dilnay weerar maanta aan kula beegsanay gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamadan, sidoo kalena tiro kale oo ciidamo ah ayaan ku dhaawacnay, mid ka mid ah gaadiidkii ay wateena waan kasoo furanay,” ayaa lagu yiri warbixinta Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in weerarka gaadmada ah kaddib uu iska-horimaad dhex-maray xoogaggooda iyo ciidamadii Keeyaanka ahaa, ayna dagaalkaas kaga furteen hub iyo qalab kuwa ciidamadu isticmaalaan ah.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkan maanta dhacay uu yahay kii 10-aad oo muddo bil gudaheed ay ka geysteen gudaha waddanka Kenya oo ay sheegeen inay ku dileen ciidammo badan oo Keenayaan ah.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa imaanaya maalin kaddib xilli wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Nairobi ka sheegay in Al-shabaab ay u kala qaybsameen laba garab, oo mid ka mid ah uu taageersan yahay kooxda ISIS, kuwaasoo uu xusay inay ka howlgalaan deegaannada ku dhow xadka Somalia iyo Kenya, ayna yihiin khatar cusub oo Kenya soo wajahday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!