Al-shabaab oo beenisay in ciidamada Kenya dilleen 100 dagaalyahanooda ka tirsan

by admin | Monday, Nov 24, 2014

Muqdisho : HN :– Dowladda Kenya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda Kenya weerar ay ku qaadeen saldhiyo ay lahaayeen Al-shabaab ku dilleen ilaa 100 ka tirsan xoogaga xarrakada, iyaga oo ugu aar-gudaha weerarkii dhawaan lagu qaaday bas marayay deegaan ku dhaw Mandheera oo lagu dillay ilaa 28 ruux.

Laakiin dhinaca kale,Warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab ayaa lagu beeniyay sheegashada dowladda, waxaana siddoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay in ay bad qabaan xoogagii fuliyay howlgalkii duleedka Mandheera ka dhacay ee lagu dilay dad uu ku sheegay inay masiixiyiin yihiin.

“Al-shabaab waxay xaqiijinaysaa inaysan jirin wax dagaal ah oo xoogagooda iyo kuwa dalka Kenya dhaxmaray saacadihii lasoo dhaafay; warka William Ruto uu shaaciyayna uu been yahay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri. “Ciidamada fuliyay howlgalkii ka dhacay duleedka Mandheera Nasaarada Kenya ka mid ah;Al_Shabab_Milatent_Somalia waana been aan sal iyo raad laheyn warka ay Kenya sheegtay.”

Al-shabaab ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkeeda ku sheegay in ujeeddada Kenya ay ka leedahay faafinta dacaayadda beenta ah inay shacabkeeda ku qanciso wax aan jirin oo been ah.

“Ujeeddooyinka ay Kenya ka leedahay warkan waxaa ka mid ah madaxda dalka Kenya oo cadaadis kala kulmaya shacabkooda inay faafinayaan war been abuur ah; dulucdiisuna ay tahay in dareenka shacabka kacsan lagu dajiyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkii lagu dilay 28-kii qof ee la socday buska, kuwaasoo ka  tagay deeganno ka tirsan gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya, kuna socday magaalada Nairobi si ay fasax ugu soo qaataan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!