Al-shabaab oo deegaanka Yeed maxaabiis ka sii deysay

by admin | Thursday, Jan 22, 2015

Bakool :  HN :–Gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in deegaanka Yeed xoogagga Al-shabaab ka sii daayeen maxaabiis uga xirnaa halkaas, kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Sida ay sheegayana wararka dagaal socday muddo ayaa waxaa uu deegaankaas ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay muddo kooban gacanta ku hayeen saldhiga ciidamada dowladda kushabab1q2 lahaayeen deegaanka Yeed, isla markaana markii dambe isaga baxay.

Sidoo kale warar  ayaa intaa ku daraya in maxaabiis kala duwan oo xabsiga lagu haayay ay ka sii daayay, kuwaasoo qaar ka mid ah ay ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa markii dambe ku soo laabtay deegaanka oo dib ula wareegay gacan ku heynta Yeed.

Shalay ayay aheyd markii dagaal uu ka dhacay Tuulooyin u dhow dhow Tiyeeglow oo ka tirsan Gobolka Bakool, markii ciidamada dowladda ay weerareen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!