Al-shabaab oo hoobiyaal ku weeraray xalay magaalada B/burte

by admin | Friday, Mar 6, 2015

B/burte; HN;- Wararka ka imaanaya magaalada B/burte ayaa sheegaya in xalay labo jeer kooxda Al-shabaab aay weerar hoobiyaal ah ku soo qaadeen magaalada.

Kooxdan oo hoobiyayaasha ka soo tuurtay dhinaca galbeed ayaa markii jawaab aay ka bixiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom aay dib u noqdeen.

Ma jiraan cid ku dhimatay laakiin waxaa jira dhaawac soo gaaray 4-qofood oo rayid ah.

Magaalada B/burte ayaa waxay ku jirtaa go´doon aay ku hayaan kooxda Al-shabaab iyagoona dhinac kasta ka fadhiya magaalada, Al-shabaab magaalada uma ogola wax gargaar ama badeecaa inay galaan ama ka soo baxaan, taasoo keentay in nolosha dadka rayidkaa aay gasho qatar.

Dhawaan ayay ahayd markii xabsiga loo taxaabay gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii kadib markii dowladu ku eedeeysay musuq maasuq iyo raashiin macaawino oo aay leexsadeen, sidaa daraadeed maamul rasmiya kama jiro magaalada aan ka ahayn mid si kumeel gaara u sii haya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!