Al-shabaab oo la sheegay in ay ka firxanayaan deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

by admin | Friday, Oct 24, 2014

Jubbooyinka : HN :– Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ka soconayeen dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Al-shabaab ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab bilaabeen xiligan in ay isaga baxaan deeganno muhiim ah oo ka tirsan Jubbooyinka.

Deegaanno ka tirsan Jubbooyina ayaa Al-shabaab laga qabsaday tan iyo markii ay ciidanka Jubba oo kaashana kuwa AMISOM howlgallo ka fuliyeen dhulka ay Al-shabaab ka talinayeen.

Sarkaal ka mid ah saraakiisha ciidanka ammaanka Jubba, Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in howlgalka milateri ee ka socda qeybo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose uu durba si wax ku ool ah u wiiqay awoodda kooxda ee deegaanka.

Sarkaalka ayaa uga digay Al-Shabaab inay cawaaqib xun kala kulmi doonto howlgalka socda, haddii dagaalyahannadeeda aanay isa soo dhiibin, ama faarujin deegaannada ay uga sugan yihiin Jubbooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo kula shiray saraakiisha ciidanka ammaanka, isagoo kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalka socda.

Axmed Madoobe ayaa tagay deegaanno ka mid ah kuwa al-shabaab laga saray ee gobollada Jubbooyin,halkaas oo u ku soo dhiri-galiyayal-shabaab_somalia1 ciidamada ku sugan.

Dhinaca kale,Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay inay saddex qof oo Al-Shabaab ahaa ku dileen dagaal ay saakay kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Biroole oo 50 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo dhinaca kale ah ayuu Seeraar ka gaabsaday inuu sheego inuu jiro khasaare dhankooda ka soo gaaray dagaalka.

Biroole ayaa ah deegaan muhiim u ah isku xirka gobollada Jubbooyinka iyo gobolka Waqooyi-bari Kenya, waxayna Al-Shabaab gacanta ku haysay shantii sano ee la soo dhaafay.

Hiiraan Net/

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!