Al-shabaab oo la sheegay in dhalinyaro ka qoranayaan dalka Kenya

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho : HN :–Xubno ka tirsan Al-shabaab ka tirsan iyo kooxo kale oo Kenyan ah ayaa waxay gudaha Kenya kawadaan qorshayaal ay ajandayashooda ku hor-marinayaan ah inay dalkaas ka qortaan dhallin u dagaalanta, ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saareen khubro caalami ah.

Wrabixinta oo qoreen mufakiriin ka tirsan hay’adda ka hortagga xasaradaha adduunka ee ICG oo fadhigoodu yahay dalka Belgium ayaa lagu sheegay in xubnaha ka tirsan kooxahan ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay bulshada la faquuqo ee Kenya uga dhaadhicin lahaayeen fikradahooda, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanaya dhallinyarada.

Sidoo kale, warbixinta oo ciwaankeedu ahaa Al-shabaab aad ayay ugu dhow dahay Kenya] ayaa muujisay sida shabakadaha argagaxisada ah ay deegaannada Kenya ugu baahinayaan fikradahooda jihaadiga ah; iyagoo isticmaalaya bulshooyinka muslimiinta ah ee ku kala nool Nairobi, gobolka xeebta iyo waqooyi-bari, kuwaasoo faquuq kala kulmaya hay’adaha Qaranka.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in faragelintii ay sannadkii 2011-kii ciidamada ku sameeyeen Somalia ay tahay midda ugu weyn ee sababtaSh-Abuu u ah ololaha ay Al-shabaab ay ku hayso Kenya. Iyadoo khuburado ay sheegeen inay sidoo kale sababtay amni-darrada iyo cabsida haatan ka jirta Kenya.

”Arrinta waxaa kaloo sii cusleeyay ka maqnaashaha ay hoggaanka dalka ka maqan yihiin bulshada muslimiinta ah iyo in lagu tiriyo inay xagjiriinta xiriir la leeyihiin,” ayaa warbixinta lagu xusay.

Khuburadan ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay qorshaha ku darto in doorashooyinka soo scoda wax laga bedelo si wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan bulshada muslimka ah ee dalkaas ku nool. Lana joojiyo fuquuqa lagu hayo iyo eedeymaha loo jeedinayo.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xukuumadda Kenya ay dhawaan ku eedeysay masaajidda iyo dugsiyada diinta lagu barto in loo isticmaalo goobo dadka lagu baro xagjir-nimada, iyadoo hoggaamiyeyaasha muslimiinta Kenya ay arrintaas si weyn u diideen.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ciidanka Kenya ay albaabbada isugu dhufteen dugsi diinta Islaamka lagu barto oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi, kaddib markii lagu eedeeyay in dhallinyarada deegaanka lagu baro xagjirinimada, loona adeegsado goob Al-shabaab looga qoro dagaalyahanno.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!