Al-shabaab oo la sheegay in khafaasheen guddoomiyihii hore ee degmada Ceelbuur

by admin | Wednesday, Mar 25, 2015

Ceelbuur : HN :– Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in habeen hore ay afduubatay guddoomiyihii hore ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Macallin Maxamuud Xasan Afrax

Nuur Xasan Guutaale oo ah guddoomiyaha maamulka dowladda federaalka ah ee degmada Ceel-buur ayaa isagoo l ahadlay warbaahinta gudaha waxuu sheegay in dagaal-yahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab ay qafaasheen guddoomiyihii hore.

Waxuu sheegay guddoomiyaha in odayaal dhaqameedka deegaanka ay xiriir la sameeyeen maleeshiyada Al-Shabaab, ayna kaAl-shabaab-Somalia dalbadeen in ay sii daayaan Macallin Maxamuud, maadaama uusan iminka wax siyaasad ah ku jirin.

Macallin Maxamuud Xasan Afrax, oo guddoomiyaha degmada Ceelbuur noqday xilligii dowladdii KMG ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa laga afduubtay deegaanka Dac oo 18 km u jira degmada Ceel-buur, lamana oga halka ay geeyeen kooxda.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab,kaaso ku aadan sababta ay u qafaasheen guddoomiyihii hore.hasse ahaatee maamulka Ceelbuur ayaa u xaqiijiyay warkaa warbaahinta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!