Al-shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe

by wadani | Sunday, Jan 14, 2018

Balcad : HN :- Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen deegaanka Ceelka-Geelow oo u dhexeeysa magaalada Jowhar iyo Balcad halkaasna uu ku dhex maray iskahorimaad hubeysan ciidamo halkaas ku sugnaa.

Dagaalka ka dhacay deegaankaas ayaa la sheegay inuu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo ay tahay markii labaad oo deegaankaas ay soo weeraraan ururka Al-shabaab muddo labao toddobaad ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba ay soo gaartay, hase yeeshee deegaanka Ceelka-Geelow oo ku yaal wadada laamiga ah una dhexeeya Jowhar iyo Balcad ayaa ahayd Bar koontarool oo ay ciidamo Milatari ku sugnaayeen.

Kulan maanta ay ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga gaar ahaan wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in amniga wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho uu xumaaday loona baahan yahay in madaxda dowlad goboleedka ay isticmaalaan isla markaana la geeyo ciidamo xoog leh.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!