Al-shabaab oo laga qabsaday jasiirada Kudhaa ee gobolka J-hoose

by admin | Sunday, Mar 22, 2015

Kismayo: HN:–Wararka ka imaanaya Jazeerada Kudhaa ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in saaka aroortii ciidamada Maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Amisom, ay la wareegeen gacan ku haynta Jazeeradaasi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Magaalada uusan ka dhicin wax dagaal ah oo ciidamadii Shabaab xalay ay isaga baxeen Magaaladaasi.

Saaka aroortii ayeey gudaha u galeen ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa Amisom, Jazeerada Kudhaa, iyagoo aanan la kulmin wax dagaal ah.

Lama oga halka ay aadeen Shabaabkii ka baxay Jazeerada Kudhaa ee Gobolka Jubadda hoose.

Saraakiisha Maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Amisom, weli kama aysan hadlin la wareegitaanka Jazeerada Kudhaa ee Gobolka Jubadda hoose.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!