Al-shabaab oo laga saaray deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose

by admin | Friday, Oct 10, 2014

Jubbada hoose : HN :– Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa la wareegayo deegaanno dhawr ah oo ku yaal gobolka ka dib markii weerar culus ay ku qaadeen deegaanno ay ka talin jireen Alshabaab.

Ciidanka maamulka Jubba oo garabsanaya ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM ayaa dhawr jiho u ruqaansaday, waxaana maamulku uu sheegay inuu dhawaan la wareegi doono degmooyinka goboladaasi ay ka joogaan Alshabaab.

Marka laga soo tago duulaamada Alshabaab kaga socda gobolada Jubbooyinka dhanka gobolka Gedana waxaa ka biloowday dhaqdhaqaaqCiidamada-Dowladda ciidanka dawladda ay ku doonayaan inay kula wareegaan degmada istiraatiijigaa ee Baardheere si la isugu xiro gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Howlgalka waxaa dhiiri galiyay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,Nicholas Kay kaas oo shalay booqasho uu Kismaayo ku tagay kula kulmay madaxda sare ee maamulka.

Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa kulan dheer la qaatay,Nicholas Kay waxaana la sheegay wada hadleen dhameystirka heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen maamulkiisa iyo dowladda federaalka ah, horumarinta ciidamada, hirgelinta nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobbo kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!