Al-shabaab oo lugu eedeeyay in ay afduub ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Baay

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Baay : HN :– Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in dad ku dhow 50-ruux ka qafaasheen Tuulo hoos timaada deegaanka Goof-Gaduud oo duleed ka xigta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Gudoomiyaha deegaanka Goof-Gaduud Axmed Maxamed Aadan ayaa u sheegay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in Al-Shabaab ay qafaasheen dad u badan xoolo dhaqato iyo beeraley ku nool Gobolka Baay.

“Maalmihii ugu danbeeyay waxay Al-Shabaab ka qafaasheen tuulo hoos timaada Goof-Gaduud, dadkaas ay wateen waxay ka badnaayeen afarshabab1q2 qof, dadkaas waxay u heystaan lacag madax furasho ah”ayuu yiri Gudoomiyaha deegaanka Goof-Gaduud Axmed Maxamed.

Guddoomiyaha ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in arrintan soo fara geliso, isagoo si gaar ah ugu codsaday ciidamada dowladda iyo AMISOM ay si deg deg ah tallaabo u qaadaan, si dhibaatada lagu haayo dadka deegaanka looga dulqaado.

Guddoomiyaha ayaa siddoo kale sheegay in ay ka war heleen in dadka ay afduubteen Al-Shabaab ka rabaan qofkiiba inuu bixiyo ilaa 10-milyan oo shilinga Soomaaliga, qofkii bixiyana la sii deynayo, sida uu yiri.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Mas’uulkan oo ah in Al-Shabaab ay dad ka afduubteen deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!