Al-shabaab oo malaayiin doolar ka sameeyay gargaarka la siiyo Soomaaliya

by wadani | Tuesday, Feb 13, 2018

Muqdisho : HN :-Taleefishinka CNN ee saldhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay barnaamij maqal iyo muuqaal ah kaasoo ka hadlaya sida lacagaha deeqaha ah ee la siiyo dalka Soomaaliya ay ugu gacan gasho ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Baaritaan uu sameeyay taleefishinka CNN ayaa lagu sheegay in lacago ay si toos ah u siiyaan Qaramada Midoobay dadka ku baracay dagaalada iyo abaaraha inay u gacan galaan ururka Al-Shabaab.

Xubno hore ugaga tirsanaa Al-Shabaab iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Soomaaliya ayaa u sheegay weriye ka tirsan CNN oo booqday Baydhabo in lacago badan ay Al-Shabaab ka helaan maalin walba jidgooyooyin u yaal halka laga soo galo Baydhabo iyo weliba ganacsatada magaalada kuwaasoo raashin geeya xeryaha dadka barakacayaasha ay ku nool yihiin.

Dadka ka soo barakacay guryahooda oo ku nool magaalada Baydhabo ayaa Qaramada Midoobay waxa ay siisaa lacag gaareysa $80 illaa $90 kuwaasoo kaarar loogu shubo si ay cunto ugu iibsadaan.

Saraakiil u hadashay Qaramada Midoobay ayaaa waxa ay sheegeen in lacagta sida tooska ah loo siinayo barakacayaasha ay tahay mid loogaga fogaanayo in gaadiid cunto lagu soo raro la dhaco amaba la weeraro.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!