Al-shabaab oo mar kale gudaha u gashay deegaanno ka tirsan gobolka W/bari Kenya

by admin | Tuesday, Jun 2, 2015

W/bari : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagalyahanno ka tirsan xarrakada Al-shabaab mar kale gudaha u galleen deegaanno ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya, halkaasoo muddo kooban la wareegeen.

Deegaannadana ay gudaha u galeen dagaalyahanada Shabaab ayaa ka tirsan deegaanka Mandeera ee ku taalla xadka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay khudbad u jeediyeen dadka deegaanka, iyadoo aanay jirin wax dhibaato ah oo ay ka geysteen.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Iskuuladii deegaanka albaabada la isugu dhuftay, iyadoo dad badan oo boqolaal ah ay kaAl-shabaab-Somalia barakaceen deegaanada

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Mandera Bilow Aadan Kerow ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab ay dhibaato ku yihiin guud ahaan Gobolka.

Bilow Kerow ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay si deg deg ah wax uga qabato amni darada ka jirta gobolka.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka waqooyi bari, iyadoo calan ka taagtay, waxaana cabsi badan soo wajahay dadka ku dhaqan gobolka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!