Al-shabaab oo markii ugu horeysay fagaaro ku toogatay shaqsi ay ku eedeeyeen in uu sixiroole ahaa

by admin | Saturday, Feb 28, 2015

Diinsoor : HN :–Xarrakada Al-shabaaab ayaa gallinkii danbe ee maalintii shalay fagaaro ku yaal degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ku dilay nin lagu eedeeyay in uu ahaa Sixiroole, kaasoo ay qabteen ciidamada loo yaqaano Xisbada ee u howl gala sida Booliska oo kale.

Dad-weyne fara badan ayaa ka soo qeyb galay fagaaraha fulinta xukunka dilka uu ka dhacayay, waxaana ninkan oo magaciisa lagu sheegay Macalin C/qaadir Sheekh Aadan lagu tilmaamay in uu ahaa Sixiroole.

Qaadiga Maxkamada ayaa ku riday xukunka dilka ah, iyadoo fagaaraha uu ka sheegay in ninkan maxkamada horteeda uu ka qirtay inAl-shabaab_oo_Qaraxyo_Sheegatay uu Sixiroole ahaa.

Dad-weynaha ku nool Diinsoor ayaa gelinkii hore ee shalay lagu wargeliyay in ay ka soo qeyb-galaan fulinta xukunka, waxaana dadka loogu yeerayay cod baahiyeyaal si ay uga soo qeyb galaan daawashada xukunka.

Dilkan ayaaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa, iyadoo horay Al-shabaab u toogan jireen oo kaliya dadka ay ku eedeeyaan in ay jaajuus u yihiin ciidammad dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!