Al-shabaab oo muxaadarooyin ka jeedyiyey masaajid ku yaala magaalada Gaarisa

by admin | Thursday, May 21, 2015

Gaarisa: HN:- Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo 2-saacadood ah ku sugnayd masaajid ku yaalla magaalada Gaarisa, iyagoo halkaana qudbooyin ka jeediyey.

Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay inay muddo labo saac u ah u khudbeynayeen jamaacadii ku sugnayd masaajidka ka hor inta aanay ku noqon duurka oo ay markii hore ka yimaadeen.

Waxay cambaareeyeen dowladda Kenya waxayna dadka uga digeen inay xog la wadaagaan ciidanka ammaanka.

Bishii la soo dhaafay, kooxda Al-Shabaab ayaa dishay ugu yaraan 148 qof oo ku sugnaa goob jaamacad ah oo ku taalla Gaarisa.

Kooxda ayaa ku sugan Soomaaliya, balse waxay kaloo ku firfircoon tahay gudaha Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay billowday dagaal ka dhan ah Kenya tan iyo markii ciidanka Kenya ay galeen Soomaaliya dabayaaqadii 2011 si ay u wiiqaan awoodda kooxda.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!