Al-shabaab oo qabsatay bur burka diyaarad nooca Drons-ka ah oo ku dhacday Buur-hakaba

by admin | Sunday, May 17, 2015

Muqdisho : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya diyaarad nooceedu yahay kuwa aan duuliyaha lahayn ee drone loo yaqaan ayaa ku dhacday meel ku dhow degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Wararka ayaa sheegaya in burburka diyaaradan ay qaateen xoogag ka tirsan Alshabaab iyadoo goobta ay ka dhowaayeenDrones maleeshiyaad Alshabaab ka mid ah.

Diyaaradan ayaan la ogeyn halka laga leeyahay hase yeeshee dowlada Maraykanka ayaa diyaaradaha loo yaqaan droneka waxa ay howlo basaas iyo duqeynba ka geystaan deegaanada ay ku sugan yihiin ururka Alshabaab.

Ma jiro illaa haatan wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dowlada Maraykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa horay Diyaaradaheeda uga digtay in ay Maraan Soomaaliya kadib qatar Dhanka Amniga ah oo ay sheegeen in ay dareemeen.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!