AL-shabaab oo sheegatay dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland

by admin | Saturday, May 9, 2015

Galkacyo; HN; – Ururka Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyen dilkii Magaalada Gaalkacyo qaybteeda Waqooyi loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa u sheegay Idaacada Andalus ee Afka Al-Shabaab ku hadasha inay ka dambeeyeen dilka Xildhibaankaasi.

Sarkaalkaan ayaa ku hanjabay inay beegsanayaan xubnaha ka tirsan maamulka Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Saciid Xuseen Nuur “Dirir” ayaa xalay fiidkii lagu toogtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, xilli uu kasoo baxaayay masaajidka Abuu hureyra oo salaada Maqribka uu ku soo dukuday.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim Cameey ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka loo geystay Xildhibaankaasi.

Al Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo waxa ay ka geystaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!