Al-shabaab oo sheegatay in ay la wareegtay deegaan ku dhaw xadka Kenya

by admin | Tuesday, Dec 9, 2014

Kenya : HN :– Xarrakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in ay dagaal kula wareegtay deegaan lagu magacaabo Gadoon-dhawe oo ka tirsan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo ciidamada Kenya ay todobaadkii la soo dhaafay weerar ku qaadeen, ciidamo fara badana ay geeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalo muddo saacado badan qaatay uu ka dhacay deegaanka Gadoon-Dhawe, waxaana adag in la helo warar rasmi ah oo ku aadan khasaaraha uu geystay dagaalka.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa deegaankaas duqeeyay, iyadoo ciidamo fara badan kenyan ah ay galeen, iyagoo difaacyo ka sameystay,al-shabaab_somalia1 markii ay soo kordheen weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gudaha Kenya.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku daabacay in deegaankaas ay dib ula wareegeen, ayna ciidamada Kenya ku qasbeen inay deegaankaas dib uga gurteen ayna aadaan dhinaca Xuduuda.

Deegaanka Gadoon-Dhawe ayaa la sheegay inay aheyd meelihii ay Al-Shabaab ka soo qaadeen weeraradii dhowaan ka dhacay gudaha Kenya, gaar ahaan weerarkii dadka badan lagu dilay ee duleedka Mandhera ka dhacay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!